Advertisements
Wararka

M/weynaha Somaliland oo ka hadlay xiisada ka taagan dowlad deegaanka Somalida…


Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay xiisada ka taagan deegaanada dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ee u dhaxeysa Somalida iyo shacabka Oromada.

Muuse ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay ixtiraamaan oo aysan dhibaato u geysan dadka Itoobiya ka soo jeeda ee ku sugan degaanada Maamulka Somaliland.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuqda dadka ka soo jeeda degaanada ay rabshaduhu ka dhacayaan islamarkaana aan dhibaato loogu geysan dhibaato ay sameeyeen dadka kale oo ay isku degaan ka soo jeedaan.

Waxa uu xusay in Somaliland uu xoojinayo xuduudaha iyo Kontoroolada laga soo galo Somaliland si aysan u dhicin dhibaato.

“Waxa jooga dalka dad badan oo Itoobiyaan ah, afka ay doonaan haku hadlaan, waxaan codsanayaa in dadkaasi ay amaan ku joogaan oo aan loola dhaqmin si cadawtinimo ah, qofka dalkaaga ku jooga dhaqan waa amantaada, mar walba waxaa inoo balan ah dadka inoo yimaada inaynu ula dhaqano si wanaagsan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: