Advertisements
Wararka

Cunaqabateyntii Mareykanka uu ku soo rogay Iran oo xalay saq dhexe dhaqan gashay…


Cunaqabateyn dhaqaalaha ee Mareykanka ku soo rogay dalka Iran ayaa dhaqan gashay xalay saqdii dhexe.

Hase ahaatee Madaxweynaha dalka Iran Hassan Rouhani ayaa ku gacanseyray ama bannaanka u tuuray cunaqabateynta Mareykanka ee ku saabsan in la curyaamiyo dhaqaaalaha dalkaasi ee soo kabanaya.

Madaxweynaha oo ka hadlay Telefishinka dalkaasi ayaa sheegay in aysan wax wadahadal ah iyo waanwaan la galeyn maamulka uu hoggaaminaayo Mr Trump ,isagoo tilmaamay in uu wado kala qoqob iyo burbur ku yimaada dalka Iran.

Cunaqabateyntaan oo dhaqangashay habeenimadii xalay ayuu ku sheegay Mr. Rouhani in ay tahay dagaal maskaxeed la doonayo in lagu qeybiyo dadka reer Iran.

Midowga Yurub ayaa ka hadlay sida ay uga horjeedaan tallaabadaasi,waxayna ballan ku qaadeen in la ilaalinaayo waxyaabaha ay sameeyaan shirkadaha dalkaasi ee sida sharciga ah uga ganacsada.

Mr Trump ayaa isaga baxay heshiis dalka Iran ay la gaareen 6-dal oo doonayey in xukuumadda Tehran ay joojiso sameysashada hubka niyuklerka, wuxuuna hoggaamiyahaasi ku tilmaamay mid u janjeera dhinac.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: