Advertisements
Wararka

Dowlada Jabuuti oo bilowday daadgureynta muwaadiniinteeda ku sugan Diri-dhaba…


Dowlada Jabuuti ayaa bilowday inay ka daadgureyso muwaadiniinteeda ku sugan magaalada Diri-dhaba ee dalka Ethiopia.

Dadka la daadgureynayo ayaa badankood ah dad dalxiis u tegey maadaama lagu jiro xilliga xaggaaga oo ay dalka Jabuuti kuleyl daran uu ka jiro.

Dowlada Jabuuti ayaa u soo dirtey diyaarad khaas ah dadkan oo tiradooda lagu sheegay inay ka badan tahay labo boqol oo ruux.

Arrintan ayaa timid ka dib markii rabashada Diri-dhaba ka socda lagu dilay ugu yaraan sagaal ruux oo reer Jabuuti ah, kuwaasoo afar ka mid ah ay ahaayen isku qoys.

Rabshadaha Diri-dhabo ayaa ku salaysan qoymiyado waxaana magaaladaas ku dagaalamay Soomaali iyo Oromo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4518 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: