Advertisements
Wararka

Hooyooyin diiday in caruurtooda ku wareejiyaan al-Shabaab oo lagu xiray Xarar-dheere…


Ururka Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay xabsiga dhigeen Afar haween ah oo sida la sheegay diiday in caruurtooda ay Al Shabaab ku wareejiyaan, Shabaab ayaa horey dadka degaanka uga dalbaday inay caruurtooda ay keenaan si dagaalada ay uga qeyb qaataan.

Haweenkan ayaa waxaa la sheegay in caruurtooda ay si dhuumaaleysi ah ku saareen gaadiid oo ay u direen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Qof ku sugan degmada Xarar-dheere ayaa waxa uu sheegay in haweenkan laga soo xiray tuulada Caliyaalo oo u dhaw degmada Xarar-dheere, islamarkaana hada ay ku jiraan gacanta xabsi ay maamulaan Shabaab.

Odayaasha degaanka ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay ku soo daayaan hooyooyinkan ay xireen Al Shabaab, kuwaasi oo lagu heysto inay caruurtooda u diidaan dagaalada.

Ururka Al Shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxa ay cadaadis ku hayeen dadka degan degmada Xarar-dheere iyo degaanada u dhaw, halkaasi oo bil kahor ay ku dagaalameen Shabab iyo dadka degaanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: