Advertisements
Wararka

Madaxweynaha DDSI oo shacabka deegaanka kala hadlay TV-ga maamulka…


Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed Ilka Case ayaa shacabka deegaankaasi wuxuu kala hadlay Tv-ga ku hadla afka maamulkaasi, isaga oo ku baaqay deganaansho iyo ammaan.

Ugu horreyn wuxuu Ilka Case ka hadlay dhacdadii 4-tii bishan ka dhacday magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi ay aad uga xun yihiin.

Wuxuu sheegay in shacabka ku nool Jigjiga looga baahan yahay iney ka fogaadaan wax walbo oo burburin kara horumarkii uu deegaanka sameeyey, wax u dhimaya xasiloonida deegaanka iyo in laga shaqeeyo nabadda.

“Waan ka xumahay wixii Jigjiga ka dhacay 4-tii bishan, waxaan idiin ku baaqayaa nabad iyo xasilooni, waa muhiim in nabadda laga wada shaqeeyo” ayuu yiri Ilka Case.

Dhanka kale, Madaxweyne Ilka Case ayaa sheegay in cid walbo oo Itoobiyaan ah ay xaq u leedahay iney ku noolaato halka ay rabto, Soomaalidana laga doonayo iney ixtiraamaan qowmiyadaha kale ee ku dhex nool.

“Sida uu qabo dastuurka federaalka cid walbo oo Itoobiya xaq ayeey u leedahay iney ku noolaato halka ay dalka ka rabto, waxaan leeyahay shacabka Soomaalida ixtiraama dastuurka oo nabadgelyo siiya qowmiyadaha kale ee nala nool” ayuu yiri madaxweynaha DDSI.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: