Advertisements
Wararka

Amiir al-Waleed bin Talal oo saami ka iibsaday shirkada Snapchat…


Milyardeerka Sacuudiga Amiir Alwaleed bin Talal, ayaa saami ka iibsaday shirkada SnapChat oo gaareysa 2.3% oo qiimaheedu u dhigmo 250 milyun oo dollar.

Maalgashiga cusubi wuxuu yimid waqti shirkadu ay ku dadaalayso sidii ay u dhisi lahayd kalsoonida maalgashatada ee adeegga isgaadhsiinta deg deg ah Snabchat.

Tirada maalinlaha ah ee isticmaalayaasha firfircoon ayaa hoos u dhacday 2 boqolkiiba rubucii afaraad illaa 188 malyan markii loo barbardhigo 191 milyan dhammaadka Maarso.

Shirkadda ayaa sidoo kale si wayn ugula tartamaysa xayeysiisyada dijitaalka ah ee shirkadaha waawayn, sida Facebook.

Inkasta oo hoos u dhac ku yimid tirada dadka isticmaala, hadana shirkaddu waxay sheegtey in dakhligeeda sare u kacay iyada oo yaraatay khasaaraha rubucii labaad ee sanadka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: