Advertisements
Wararka

Imaam Masjid ayaa salaadiisa iska sii watay iyadoo dhul gariirka uu ruxayo Masjidka…


Imaam Masjid ayaa saladda iska sii watay iyadoona dhul gariirka uu ruxaya dhismaha masaajidka. Dadka qaar ee salaadda ku jiray way carareen halka qaar kalena ay masaajidka ay dib ugu soo laabteen.

Afahayeen u hadlay masaajidka ayaa BBC u sheegay in Imaamka uu Illaahey isu dhiibay.

Shaqaalaha samatabixinta dalka Indonesia ayaa howlgal baaritaan ah ka wadaa burburka dhismaha masaajidka oo ku yaalla jasiiradda Lombok halkaaso laga cabsi qabo inay dad badan ay ku hoos jiraan burburka dhismaha.

Masaajidka ayaa kamid ah kumannaan dhismooyin ah oo uu dhul gariirka burburiyay.

2 qof ayaa laga soo badbaadiyay masaajidka burburay.

https://youtu.be/12yboWVx2uE

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: