Advertisements
Wararka

Xaaska M/weynaha Syria oo laga daaweynayo buro kansar oo naaska uga soo baxday…


Madaxtooyada Syria ayaa Ku dhawaaqday in xaaska madaxweynaha Syria Bashar al-Assad ee Asma al-Assad ay bilowday marxalada koowaad ee daaweynta buro kansar oo naaska uga soo baxday.

Madaxtooyada Syria ayaa warkani ku faafisay bartooda bulshada ee Twitter, waxaa kala qeyb galay taageerayaasha Madaxweynaha waxayna ku lifaaqeen erayda “xoog, kalsooni iyo Iimaan”.

Madaxtooyada Syria ayaa u rajeysay Asma al Assad soo kabasho deg deg ah.

Asma al-Akhras ayaa dhalatay 11 August 1975, kuna dhalatay caasimada Ingiriiska London, Waxayna guursatay Bashar al-Assad 18 December 2000, waxayna isu dhaleen laba wiil iyo gabar.

Inta aanan dagaalada ka bilaabin Syria waxay Asmaa aheyd tusaale lagu daydo, ka hor 2011kii dhacdooyinkii dagaalada ee lagu hoobtay oo dalkaasi ka dhacay oo mas’uuliyada dadkaasi la laayey dusha ka saaran tahay taliska Syria oo uu hogaamiyo Bashar al-Assad.

Waxaa xusid mudan in Asma al-Assad ay ka soo jeedo magaalada Homs ee Syria, waa gabadha dhakhtar Syria u dhashay oo ku takhasusay cudurada wadnaha iyo marinada dhiiga oo deggen dalka Britain oo la yiraahdo, Fawaz al-Akhras.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: