Advertisements
Wararka

Xildhibaan ka hadlay dhibaatooyinka ka jira wadada isku xirta Mogadishu-Baydhabo…


Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in dhibaatooyin ay ka jiraan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, isagoo ugu baaqay dowladda dhexe inay si degdeg ah arrintan wax uga qabato.

Xildhibaan Afaraale ayaa sheegay in kormeer ay ku tageen degmada Afgooye, Daafeed iyo Baydhabo, isagoo xusay in dadka shacabka iyo ganacsatada ay dhibaato ku qabaan maleeshiyaad ku labisan dareyska ciidamada.

Waxaa uu sheegay in xogta ay soo uruuriyeen iyo waxyaabihii ay ku soo arkeen ay la wadaagi doonaan Baarlamaanka Federaalka oo ay la sugayaan inta uu ka furmayo sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in laga qaado ciidamada ku sugan wadadaas, isla markaana dowladdu ay geyso ciidamo rasmi ah sida uu yiri.

Dhibaatooyinka ka jira inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo ayaa todobaadyadii u dambeeyay isa soo tarayay, waxaana dadka ku safra wadadaas ka cabanayeen kufsi iyo dhac loo geysanayay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: