Advertisements
Wararka

Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay ka danbeysay dilka askar ka tirsanaa ciidamada Kenya…


Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen dilka Askar ka tirsanaa ciidamada Kenya qarax lagula eegtay deegaanka Lamu Arbacadii shalay.

Sarkaal ka tirsan ismaamulka deegaanka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Majengo and Bodhei kaddib markii qarax lala eegtay gaadiid ay la socdeen ciidamadan.

Laakiin dhinaca kale afhayeen u hadlay militeri-ga Kenya Colonel Paul Njuguna ayaa Reuters u sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen lix Askari oo labo ka mid ah uu soo gaaray dhaawac culus, laakiin ma uusan sheegin wax dhimasho ah.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in qaraxaas ay ka danbeeyeen xoogaggooda, isaga oo tirada dhimashada ku sheegay sagaaal.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale Al-shabaab weerarro qaraxyo loo adeegsaday ku dilaan askar ka tirsan ciidamada Kenya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4518 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

w

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: