Advertisements
Wararka

Dhul gariir xoogan oo maanta oo Khamiis ah ku dhuftay Jaziirada Lombok mar kale…


Dhul gariir xoogan oo cabirkiisa yahay 6.2 magnitude ayaa goordhow ku dhuftay Jaziirada Lombok saaka oo khamiis ah iyadoo guryo iyo dhismayaal badan ay ku burbureen.

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dhul gariirkaan saaka waxaana uu ku soo aadayaa dhul gariir cabirkiisu ahaa 6.9 oo ku dhuftay aagaasi kaasi oo ay ku dhinteen 131 ruux.

Waaxda saadaasha hawada ayaa sheegtay in dhul gariirka uu ka dhacay meel u dhow bada oo 12 kiilo mitir u jirta bartamaha waqooyi galbeed ee jaziirada lombok.

Saraakiisha ayaa dhanka kale sheegay in aysan xaqiijin karin in uu yahay dhul gariirkan tsunami iyo inkale.

Dhul gariirkan goor dhow ka dhacay indonesia ayaa noqonaya kii sedaxaad ee mudo maalmo gudahood ah ku dhufta Jaziirada Lombok waxaana wali socda gurmadka dadkii waxyeelada ka soo gaartay dhul gariirkii dadka ku dhinteen ee dhacay habeenkii isniinta ee la soo dhaafay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: