Advertisements
Wararka

Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga oo duqeyn dhinaca cirka ay ku dileen caruur…


Isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa bayaan ku sheegay beegsiga ka dhacay maanta gobolka Sacda uu ahaa “howlgal militari oo la ogol yahay beegsiga xubnihii qorsheeyey isla markaana fuliyey beegsiga goobaha dadka rayidka deggen yihiin ee magaalada Jizan, kaasi oo dilay isla markaana u geystay dhaawacyo dadka rayidka ah, waxaa loo fuliyey si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada”.

Isbaheysiga ayaa intaasi ku daray in ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka ka dhanka ah maleeshiyada Xuutiyiinta ku caanka ah dembiyada iyo argagixisada oo taabacsan Iran oo askareeya caruurta, kuna soo guraan goobaha dagaalka iyaga oo ka dhiganaya qalab ay uga gabadaan howlahooda argagixiso”.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay “Marmarsiyaha Isbaheysiga ee dembiyada Sacda ayaa ah kuwo aan lagu tixgelin nolosha dadka rayidka ah”.

Sida laga soo xigtay ilo maxalli ah ee Yemen ayaa ku waramaya in ay jirto dilka iyo dhaawaca daraasiin rayid ah weeraradii ay fuliyeen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka oo lala beegsaday bus siday arday suuqa daxyaan ee gobolka Sacda waqooyiga Yemen, dhinaca kale Isbaheysiga ayaa sheegay in ay gantaalo dhinaca cirka ku bartilmaansadeen goob loo adeegsadey weerarkii loo geystay magaalada Jizan Koonfurta Sacuudiga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: