Advertisements
Wararka

Madaxweynaha Congo Joseph Kabila oo aan u tartami doonin kursiga…


Dowlada dimuquraadiga Congo ayaa shaacisay in uu uu markale tartami doonin madaxweynaha dalkaas Joseph Kabila sida lagu qoray warbixin maanta ka soo baxday dowlada.

Xisbiga Kabila ayaa waxay shaaciyeen in uu xilka madaxtinimo uu u tartami doono wasiirkii hore ee arimaha gudaha Ramazani Shadary sida uu sheegay afhayeenka dowlada Lambert Mende.

Arintaan ayaa waxay soo afmeereysaa shakiyo maalmihii la soo dhaafay taagnaa oo aheyd in uu tartami doono kabila iyo inkale marka uu xilka dhameysto.

Guddiga doorashada ayaa sugayay in dowlada ay shaaciso in uu xilkaan u tartami doono madaxweynaha iyo inkale taasi oo ugu danbeyn meesha ka saartay in uu tartamo madaxweyne kabila oo mudo badan hayay xilka madaxtinimo ee Congo.

Bisha December oo dabayaaqada sanadan ayaa la filayaa in la qabto doorashada guud sida ay gudiga doorashada shaaciyeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: