Advertisements
Wararka

Rag loo heysto dhac burcadnimo hubeysan oo Maxkamada ciidamada xukuntay…


Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqday dacwada xukun ciqaabeedkii loo heystay eedeysanayasha kala ah Dable Xoogga C/kariim Muuse Muxudiin 22-jir ah, dable Xoogga Aweys Faarax Maxamuud 21 –jir ah iyo Maxamuud Cali Maxamed oo maqane ah.

Saddexdaan eedeysane ayaa loo heystaa dhac burcadnimo hubeysan ah oo ay tiro labo jeer u geysteen Laamaha Shirkadda Hormuud ay ku kala leedahay deegaanka Kaabo-godeey ee degmada Wadajir iyo deegaanka Tareedisho oo ah halka loo yaqaano KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa eedeysanayaasha waxay ku xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah iyo iney bixiyaan dhammaan lacagihii ay ka dhaceen Labada Xarumood ee Shirkadda Hormuud ee dhaca u geysteen,iyadoona Maxkamadda ay la wareegtay Hubkii ay dhaca ku geysteen,waxaana Xukunka ku dhawaaqay Guddoomiyaha Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda horteeda ka qirtay danbiga ay galeen,waxana Xukunka eedeysanayaashan ku dhacay ka mid ah in gabi ahaanba laga saaray ka mid ahaanshihoodii Ciidamada Xoogga dalka,waxayna Maxkamada la wareegtay Hubkii ay ku fuliyeen falka dhaca ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: