Advertisements
Wararka

Caruurta ku dhalatay Yurub 2016 oo 43% ku dhasheen banaanka xeyndaabka guurka…


Xafiiska Tirakoobka Yurub ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in 43% caruurta ku dhalatay Midowga Yurub ee 2016-ka ay ku dhasheen banaanka xeyndaabka guurka.

Xogta oo dhowaan daabacday xafiiska ayaa muujisay in tirada dhalashada ka baxsan xeyndaabka guurka ay kor u kacday 15 boqolkiiba markii loo barbar dhigo sannadkii 2000.

Dalalka ugu badan ee caruurta ku dhalata banaanka guurka waxaa ugu horeeya Faransiiska oo 60%, Bulgaria, Slovenia 59%, Estonia 56%, Sweden 55%, Denmark 54%, Portugal 53%, halka Netherlands 50%.

Dhinaca kale, waxaa yaraaday caruurta ku dhalata guur la’aanta dalalka Giriiga iyo Croatia marka la barbar dhigo celceliska Yurub, kama badna 20%.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: