Advertisements
Wararka

Shaqaale ka tirsan Hay’ada Bisha Cas oo al-Shabaab ka afduubay Gobolka Baay…


Ururka Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Gobolka Baay ay ka afduubteen shaqaale ka tirsan Hay’adda Bisha Cas, kadib markii gaari ay la socdeen shaqaalahan ay ku weerareen inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Awdiinle.

Afduubkan oo si gaar ah uga dhacay Tuulada Busleey oo 20-KM ujirta magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagula kacay Shan qof oo ka tirsan Bisha Cas, kuwaasi oo Saddex ka mid ah ay yihiin Dumar, halka Labada kalena ay yihiin Rag oo uu ku jiro Darawalkii kaxeynayay gaariga NOAH-da ee ay wateen.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa waxa ay sheegeen shaqaalahan xilliga la afduubanayay ayaa inay ku socdeen degaanka Awdiinle oo 30-KM ujira magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ka fulin rabeen hawlo gargaar.

Xoogaga Ururka Al Shabaab ayaa la soo sheegayaa shaqaalaha ay afduubteen inay ula dhaqaaqeen deegaan lagu magacaabo Dalandoole oo isla Gobolka Baay ka tirsan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay bilaabeen hawlgallo ay ku raadinayaan shaqaalahan gargaar ee Shabaabka ay ku afduubteen Gobolka Baay.

Madax ka tirsan Hay’adda Bisha Cas oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin shaqaalahan xaaladooda caafimaad iyo nololeed, faah faahin intaas ka badana ma aysan bixin.

Xoogaga Shabaab ayaa meelaha ay ka joogaan Koonfurta Somaliya ka mamnuucay shaqaalaha gargaarka ah ee arimaha Bini’aadinimada ka shaqeeya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: