Advertisements
Wararka

Golaha Ammaanka ee QM oo dalbaday baaritaan lagu kalsoon yahay duqeyntii…


Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in baadhitaan madax bannaan oo lagu kalsoon yahay lagu sameeyo duqayntii diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu ku dileen carruurta badan ee reer Yemen.

Xubnaha golahani ayaa ku heshiiyay in ay dib u eegis ku sameeyaan natiijada baaritaanka uu ballan qaaday milatariga Sucuudiga.

Weerarkaasi ay carruurta ku dhammaadeen ayaa Khamiistii ka dhacay gobolka Sacda ee Xuutiyiintu ay maamulaan.

Waxaana ugu yaraan ku dhintay 29 carruur ah balse saraakiisha Xuutiyiintu ayaa sheegay in afartameeyo lagu dilay duqeyntaasi.

Sucuudiga oo taageera dowladda Yemen isla markaana taageero ka hela Maraykanka iyo Ingiriiska oo xubno ka ahi golaha ammanka ee Qaramada Midoobey ayaa markii hore sheegay in tallaabadaasi ahayd mid sharci ah oo aanay haba yaraatee rayid waxba ku yeelin, haatanse wuxuu sheegay in ay baadhayaan dhacdadaas.

Ku simaha madaxa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey Karen Pierce, ayaa sheegtay in goluhu uu ku adkeysanayo in loo baahan yahay baaritaan dhab ah.

BBC

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4529 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: