Advertisements
Wararka

Al-Shabaab oo meel fagaare ah ku fuliyey xukun karbaash ah deegaanka Buq-aqable…


Al Shabaab ayaa fagaare ku yaallo deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, waxa ay xukun karbaash ah kula fuliyeen rag lagu eedeeyay inay kufsadeen haween.

Laba nin oo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay kufsadeen afar dumar ah, islamarkaana mid ka mid ah dhalinyaradaasi uu dilay laba haween ah, ayaa xukunkaan lagu fuliyay.

Maxkamadda Al Shabaab ee Buq-aqable, ayaa amar ku bixisay in 100 Karbaash lagu dhufto labada dhalinyarada ah, iyadoo ay daawanayeen dadka deegaanka oo la isugu keenay fagaare wayn.

Sidoo kale maxkamadda Al Shabaab ayaa amar ku bixisay wiilka dhalinyarada ah ee dilay labada haweenka inuu bixiyo magdhawga labada gabdhood ee uu dilay, maadaama ehelka gabdhaha la dilay ay codsadeen in magdhaw laga qaado.

Qaadiga maxkamadda Shabaab ayaa uga digay dadka deegaanka inay ku kacaan falal ka baxsan shareecada Islaamka, wuxuuna sheegay tallaabo sharciga waafaqsan in laga qaadi doono dadkii falkaasi oo kale ku kaca.

Ehelada wiilasha kufsiga lagu eedeeyay ayaa soo dhaweeyay tallaabada xukunkaan fudud loogu riday wiilashooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4988 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: