Advertisements
Wararka

Dowlada Iran oo sheegtay in ay taageero la garab taagan tahay dalka Turkiga…


Xukuumada Iran ayaa sheegtay in ay taageero kasta ay la garab taagnaan doonto dowlada Turkiga,xilli uu sii xoogeysanayo qilaafka u dhaxeya Mareykanka iyo Turkiga.
Wareysi uu maalintii shalay siiyay warbaahinta dowlada ee IRIB afhayeenka wasaarada Arimaha dibeda Iran Bahram Qassemi ayaa waxaa uu dhaleeceyay mowqifka Mareykanka waxaana uu sheegay in cunaqabateynta Mareykanka ee ka dhan ah Turkiga aysan wax tari doonin.
Mr Bahram ayaa dhanka kale tilmaamay in uu ku rajo weyn yahay in dowlada iyo shacabka Turkiga ay maareyn doonan cadaadis walba oo kaga yimaada xuduudaha iyo dibada oo ku aadan xaaladan.

Isaga oo sii wata ayaa waxaa uu intaa ku daray in dalalka qaar ay doonayaan in ay awood wax ku maquuniyaan balse aysan awoodin.

Xiriirka u dhaxeeya maamulka Ankara iyo Washington ayaa quusay isagoo gaaray meeshii ugu hooseysay tan iyo markii dowlada Turkiga ay xabsiga dhigtay baadariga u dhashay Mareykanka ee lagu magacaabo Andrew Brunson,kaasi oo lagu eedeyay in uu galaan gal ku lahaa Afganbigii fashilmay ee sanadii 2016 ka dhacay Turkiga.

Mareykanka ayaa maalin ka hor waxaa uu canshuur siyaado ah saaray biraha kaga yimaada Turkiga,waxaana Madaxweyne Trump uu sheegay in waqtigan uusan wanaagsaneyn xiriirka labada dal.

Madaxweyne Erdogan oo isna ka hadlay arintaan ayaa waxaa uu sheegay maalintii shalay in uu halis ku jiro xiriirka wada shaqeyn ee u uu dalkiisa la leeyahay Mareykanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: