Advertisements
Wararka

Hogaamiyayaasha Jarmalka iyo Spain oo ka wada hadlay arrimaha soo galootiga…


Haweeneyda hogaamisa wadanka Jarmalka Angela Merkel ayaa ugu baaqday wadamada Midowga Yurub in ay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa falalka Cunsuriyada ee ka dhanka ah dadka soo galootiga.
Hadalkaan ayaa waxay ka jeedisay kadib kulan ay la qaadatay dhigeeda wadanka Spain Pedro Sanchez oo looga hadlay arrimaha soo galootiga.

Kulankaan oo ka dhacay gobolka Andalusia ee bariga Spain ayaa waxay kaga hadleen sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada soo galootiga iyo qaabkii lagu caawin lahaa.
Labadan hogaamiye ayaa dhanka kale waxay tibaaxeen in fikradaha ku aadan qaabkii dalalka Midowga Yurub ay siyaasad mideysan uga qaadan lahaayeen soo galootiga,ay ka hor jeedin doonaan kulanka Midowga Yurub ee ka dhacaya magalada Vienna ee wadanka Austria bisha soo aadan.

Dalalka reer Yurub ayaa wali waxay ku heshiin la’ yihiin in ay kala qeybsadaan soo galootiga taasi oo keentay in dalalka qaar ay ku dhaliilaan kuwa kale.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: