Advertisements
Wararka

Wasiir Norwegian ah oo shaqadiisa ku waayey safar aan lala ogeyn oo ku aaday Iran…


Fadeexad ayaa ku kaliftay Wasiir Norwegian ah inuu waayo jagadiisa kadib markii fasax khaas ah oo uu ku aaday dalka Iran, wasiirka kalluumeysiga Norway Bear Sundberg, ka dib markii lagu dhaleeceeyay safarka uu ku aaday Iran asaga oo aan ku war gelin Ra’iisul wasaaraha, asaga oo horey isu sii raaceen saaxiibtiisa oo Iran u dhalatay.

Sundberg ayaa lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay protocol-ka ama hab maamuuska amniga asaga oo horey u sii qaatay telefoonkiisa gacanta safarkiisii bishii hore dal aan la wadaagin Norway iskaashi dhinaca ammaanka ah.

Sundberg 58 jir ayaa qiray inuu hore u sii raacay saaxiibtiisa Bahira oo 28 jir ah asaga oo aan ku wargelin Ra’iisul wasaaraha, wuxuuna horey Iran ugu sii qaatay telefoonka gacanta ee xukuumada.

Sundberg ayaa ahaa ku xigeenka madaxa xisbiga ka soo horjeeda socdaalka, waxay wadaag ku yihiin maamulka talada haya ee Norway.

Waxa lagu dhaleeceeyay Sundberg, inuu nafsadiisa geliyey khatar oo noqday mid u nugul in basaasiinta Iran ay basaasto wadashada telefoonka shaqada safarkiisa Iran.

Bahira ayaa beenisay iyada oo horey u aheyd boqorada quruxda kuna nool Norway, maamushana shirkad dhoofisa kalluunka in ay wax xiriir ah la leedahay dowlada Iran.

Waxaa la sheegay in sirdoonka Norway hadda baarayaan hawlaheeda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4813 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: