Advertisements
Wararka

Gobolka Pennsylvania oo la sheegay in 300 wadaad baadari ay kufsadeen 1000 caruur ah…


Xeer ilaaliyaha Guud ee walaayada Pennsylvania ee Mareykanka Joachim Shapiro ayaa sheegay in in ka badan 300 oo wadaad baadari oo Pennsylvania ka tirsan ay kufsadeen in ka badan 1000 caruur ah todobaatankii sano ee la soo dhaafay, Xeer ilaaliyaha ayaa ku daray wadaadada baadarayaasha ee ku xadgudbay caruurta ay ka faa’ideysteen badbaadinta mas’uuliyiinta kaniisada.

Shaacinta ayaa timid shir jaraa’id oo Talaadadii la qabtay si loo soo bandhigo natiijooyinka baaritaanka dambiyada wadaada ee caruurta, waa baaritaankii garsoor ee ugu weynaa ee kufsiga galmada ee wadaadada kaniisada taariikhda Mareykanka. Baaritaanka ayaa sheegay in marka laga soo tago 1,000 carruur ah oo loo geystay tacadiyo, waxaa laga yaabaa in ay kumanaan qof oo kale oo lagula kacay falalkaasi dembiyada in ay jiraan.

Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in kadeedka iyo dembiyada loo geystay carruurta uu ka dhacay lix ilaa siddeed waaxood ee Pennsylvania, oo ay u badan tahay in badan oo ka mid ah dhibanayaasha dhibaatada ay kula kaceen wadaadada aanay ku soo wargelin maamulka.

Shapiro ayaa ku tilmaamay qarinta dembiyadan muddo tobannaan sano ay ka dambeeyeen mas’uuliyiin sar sare ee kaniisada walaayada Pennsylvania iyo xataa Vatican-ka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5173 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: