Advertisements
Wararka

Facebook oo qiratay ka gaabista wax ka qabashada hadalada neceybka ee dadka Rohingya…


Shirkadda Facebook ayaa ku qiratay warbixin soo baxday maanta oo Khamiis ah in ay ahayd falcelintooda ” mid aad gaabis u ah” ka hortaga hadalada neceybka ahaa ee lala beegsaday dadka Muslimiinta Rohingya ee Myanmar, waxay sheegtay in hadda ka shaqeyneyso sidii ay u xalili laheyd dhibaatada iyada oo la shaqaaleysiinayo dad badan oo ku hadla afka Burmiga iyo maalgelinta teknolojiyad aqoonsata qoraalka xambaarsan dhibaatooyinka.

Aqoonsiga ayaa yimid maalin kadib baaritaanka wakaalada wararka ee Reuters oo shaaca ka qaaday sababta ka dambeysay dhibaatada soo food saartay shirkadda ka hortagideeda mowjadaha wararka la faafiyey kuwaasi oo xambaarsanaa dhaleeceyn aad u adag oo dusha loogu tuuray dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Rohingya oo 700 kun oo ka mid ah ay ka carareen dhulkooda iyagoo u cararay dalka Bangladesh ka dib markii ciidamada ammaanka ee Myanmar olole lagu nadiifanayey qowmiyadan fuliyey.

Facebook ayaa sheegay in “colaada qowmiyadeed ee Myanmar ay aheyd mid walaac leh,wax ka qabashadeeduna aad gaabis u aheyd si looga hortaga macluumaadka beenta oo marin habaabinta la socotay oo xambaarsaneyd hadalo naceyb ah”. Baaritaanka Reuters ayaa shaaca ka qaaday in Facebook ay u qoondeysey qarash yar oo muddo sanado ah sidii loola dagaallami lahaa hadallada naceybka ahaa ee Myanmar.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4813 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: