Advertisements
Wararka

Gabadh Muslim ah oo diiday in ay gacan qaado nin imtixaan ka qaadayey oo magdhow loo…


Gabadh Muslim ah oo u dhalatay dalka Sweden ayaa ku guulaysatay magdhow kadib markii waraysi ay shaqo u galaysay laga joojiyay markii ay diiday in ay gacan qaaddo ninkii imitixaanka shaqada qaadayey.

Farah Alhajeh, waa 24 jir, waxa ay codsanaysay shaqo tarjumaanimo, waxayna diiday in ay gacan qaaddo nin imtixaanka shaqada qaadayey sababo la xiriira diinteeda.

Wadnaheeda ayay gacanta saartay halkii ay gacanta ka salaami lahayd.

Maxkamadda shaqaalaha ee Sweden ayaa xukuntay in shirkaddaas ay ku kacday fal faquuq ah oo kadhan ah gabadhaas. Waxaana lagu ganaaxay in ay shirkaddaasi bixiso lacag dhan $4,350 oo magdhow ah.

Muslimiinta qaar ayaa ka dhowrsada in ay salaamaan ama ay taabtaan jinsiga kale ee lidka ku ah, marka laga reebo qoyskooda hoose.

Si kastaba ha ahaatee waddamada Yurub qaarkood gacan qaadka ama salaantu waxay ka tahay dhaqan, Sharciyada ka dhanka ah faquuqa ayaa u diidi kara shirkadaha iyo hay’adaha guud in ay dadka ula dhaqmaan si gooni ah Jinsigooda dartiis.

Xafiiska Sweden u qaabilsan baaritaanada ku aaddan faquuqa, kaas oo matalayey Ms Alhajeh oo 24 jir ah, ayaa sheegay in xukunka lagu saleeyey ” danaha qofka shaqada leh, xaqa qofku uu u leeyahay in uu dhowrsanaado, iyo muhimadda ay dawladda u leedahay ilaalinta xorriyadda diinta”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5173 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: