Advertisements
Wararka

Facebook iyo Twitter oo xiray xisaabaad iyo bogag ku howlanaa marin habaabin…


Maamulka Shirkada Facebook ayaa ku dhowaaqday xiritaanka 652 xisaab ama account oo la xiriira ololeyayaal ka soo jeeda Iran iyo Russia oo qeyb ka ah la dagaalanka wararka marin habaabinta ka hor doorashooyinka mareykanka ee November iyo meelo kale oo adduunka ah. Sidoo kale Twitter ayaa sheegtay tallaabo taas la mid ah ay qaadeen oo looga hortagayo xisaabaad badankooda ku xiran Iran.

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in xisaabaadka iyo bogaga iyo kooxaha ee la xiray ay ku jireen falal marin habaabin iyo been abuur, iyada oo weli uu socdo baaritaanka iyo ku wargelinta hey’adaha ammaanka ee Mareykanka, kadib markii la daba galay ayaa qaarkood la ogaaday in ay ka soo jeedaan Iran iyo kuwo kale oo lala xiriiriyey sirdoonka Ruushka.

Shirkadda ayaa sheegtay kadib xiritaanka xisaabaadkan waxaa joogsaday ololihii marin habaabinta ee qarsoonaa oo ka imanayey Iran iyo Ruushka.

Twitter ayaa sidoo kale sheegay xiritaanka xisaabaadka 284 oo ku lug lahaa howlo marin habaabin oo isku duba ridan. Madaxda Twitter ayaa sheegay in xisaabaadkaasi badankooda oo la xiray lala xiriirinayo Iran.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4989 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: