Advertisements
Wararka

Luca Modric oo ku guuleystay Abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan Yurub…


Xiddiga Croatia iyo Real Madrid Luca Modric ayaa ka kor maray xiddigaha Masar Mohamed Salah iyo Portugal Cristiano Ronaldo, asaga oo ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu fiican Yurub.

Doorashada Modric oo 32 jir ah ayaa timid xaflada UEFA ee ciyaaryahanka ugu fiican Yurub xili ciyaareedkii 2017/2018, waxaa kaloo la qabtay isku aadka Champions League xili ciyaareedka 2018/2019.

Modric ayaa kula guuleystay kooxdiisa Real Madrid tartankii Champions League xili ciyaareedkii hore iyo sidoo kale hogaamintiisa kooxda Croatia ee ciyaaraha adduunka ee lagu qabtay 2018 dalka Ruushka, wuxuu noqday laacibka ugu wanaagsan caalamka iyo sidoo kale asaga oo dalkiisa ku hogaamiyey kaalinta labaad ciyaaraha adduunka.

Real Madrid ayaa hogaamisa liiska abaalmarinta Yurub iyadoo goolhayaha Real Madrid Keylor Navas loo doortay goolhayaha ugu fiican Yurub iyo Sergio Ramos oo loo doortay difaaca ugu fiican, sidoo kale Luca Modric ayaa loo doortay ciyaaryahanka ugu fiican ee khadka dhexe, halka Cristiano Ronaldo noqday weeraryahanka ugu fiican xilli ciyaareedkii hore, wuxuu haatan u ciyaaraa kooxda Juventus.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5415 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: