Advertisements
Wararka

Dagaal culus oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose…


Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay degmada dagaal culus uu ka dhacay oo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday markii xoogag ka tirsan Al shabab ay saddex jiho ka soo weerareen degmada waxayna dadka deegaanka sheegeen in mar-qura ay ku soo kaceen dhawaaqa rasaasta maleeshiyada kooxda shabab iyo ciidamada dowlada Somaaliya ay iswaydaarsanayeen

Al-shabaab ayaa ka so galay degmada aagagga kala ah Mukayga, Buuno Yarey iyo Jidka Mareerey. Waxaa laxaqiijiyay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Idaacada VOA u sheegay dagaal ay uga geeriyoodeen saddex askari lix kalena ay dhaawacmeen, iyadoo dhanka kooxda Al shabab aan la ogayn khasaaraha soo gaaray

Goobjoogayaal deegaanka ku sugan ayaa sidoo kale xaqiijiyay gaadiid in lagu gubay dagaalka saqdii dhexe ee xalay dhacay

Kooxda Al shabab ayaa muddo kooban waxaa ay la wareegeen gacan ku heynta xafado ka mid ah degmada Afgooye oo ay ku jirto Buundada Afgooye iyo Bar koontarool oo ciidamada dowladda maamulaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5414 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: