Advertisements
Wararka

Dibad baxayaal Pakistan oo dalbanaya in xiriirka loo jaro dalka Holland sababta Cartoonka…


Boqolaal dibed baxayaal ah ayaa waxay isugu soo baxeen dalka Pakistaan waxaana ay ku hanjabeen in ay joojin doonaan isku socodka gaadiidka hadii ay dowlada ay xiriirka u jarin wadanka Netherland.

Dibad baxayaasha ayaa ku eedeyay xukuumada holland tartan lagu soo bandhigayo kartoon aflagaado ku ah sumcada muslimiinta iyo nabigeena Muxamed Naxariis iyo nabed gelyo korkiisa ha ahaatee,kaasi oo xildhibaan ka tirsan mucaaradka Holland uu ku dhawaaqay in la qaban doono sanadkaan.

Banaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xisbiga mucaaradka ah ee Tehreek-e-Labbaik Pakistan waxaana banaanbaxaan uu socdaa maalintii labaad.

Dibad baxa lagu dalbanayo in xukuumada Pakistan ay xiriirka u Jarto dhigeeda Holland ayaa sidoo kale maanta ka dhacay magaalada caasimada u ah gobolka ku yaal bariga dalkaas ee Lahore.

Dhanka kale laamaha amniga ayaa la galiyay heegan sare si ay uga hortagaan dibad baxayaasha ku wajahayn magaalada caasimada ah ee Pakistan.

Mid ka mid ah dibad baxayaasha ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin in lagu xadgudbo diinta suuban ee islaamka iyo nabi Maxamed Naxariis iyo nabed gelyo korkiisa ha ahaatee.

Xukuumada Holland ayaa war ka soo baxay waxaa lagu sheegay in aysan laheyn abaabulka Tartanka sida uu sheegay Ra’isul wasaare Mark Rutte,balse ay tahay arrin shaqsiyadeed oo uu sameynayo hogaamiyaha mucaaradka ee Geert Wilders.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5432 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: