Advertisements
Wararka

M/weynaha Turkiga oo ku celiyey in dalkiisa uu u baahan yahay hanaanka difaaca S-400…


Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku celiyay in dalkiisa uu u baahan yahay hanaanka difaaca ee gantaalaha loo yaqaan S-400 oo ka iibsaneyso dalka Ruushka.

Isaga oo ka hadlayay xaflad shahaadooyin lagu siinayay saraakiil ka tirsan milatariga Turkiga ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan dalkiisa uu isugu dayi doono in hanaankan ula soo wareego.

Gantaalaha S-400 oo ay sameeyso Ruushka ayaa waxaa la sheegay in uu yahay nidaam caalami ah oo dhanka difaaca waxaana uu ka jawaabi kara weerarada laga soo qaado meel jirta 400 oo kiilo mitir.

Nato ayaa eegaya heshiiska ay gashay Turkiga waxaana la sheegay in aysan u hogaansamin hanaanka iibsiga hubka ee ururka.

Dhanka kale waxaa arintaan walaac xoogan ka muujiyay dowlada, saraakiil milatari iyo siyaasiyiin ka tirsan xukuumada Mareykanka,taasi oo ku aadan baahida xiligaan ay Turkiga u qabto hubkaan.

Si kastaba ha ahaatee arrintaan ayaa waxay imaaneysaa iyadoo uu sii xoogeysanayo qilaafka u dhaxeeya Turkiga iyo Mareykanka, oo ka dhashay xirnaashiyaha baadariga Andrew Brunson.

Maamulka Moscow ayaa sheegay in difaaca gantaalaha ee S-400 la gaarsiin doono Turkiga horaanta sanadka 2019-ka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4814 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: