Advertisements
Wararka

Madaxweyne Trump oo ku hanjabay inuu dalkiisa ka bixi doono ururka ganacsiga adduunka…


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in dalkiisa uu ka bixi doono ururka ganacsiga aduunka hadii wax laga bedali waayo hanaanka ganacsi.

Trump oo wareysi siinayay warbaahinta Bloomberg ayaa sheegay hadii aan qaabeyn lagu sameyn WTO ay dowladiisa isaga bixi doonto.

Ururkaan ayaa markii hore waxaa loo aas aasay in uu sharciyo u dajiyo ganacsiga caalamka iyo xalinta qilaafka la xiriira ganacsiga ee u dhaxeeya dowladaha.

Balse Trump oo dabada ka riixayay isbadalo lagu sameeyo hanaanka siyaasadeed ee suuqa ganacsiga Aduunka ayaa ka cowday in Mareykanka si aan cadaalad aheyn lagula dhaqmo.

Dhanka kale waxaa uu tilmaamay in daladan oo la yagleelay sanadii 1994-tii ay aheyd heshiiskii ugu xumaa ee dhanka ganacsiga oo Mareykanka galo.

Trump ayaa qiray in Mareykanka uu ku guuleystay xukuno qaldanaa oo dhanka ganacsiga ah sanadkii la soo dhaafay.

Hogaamiyaha Mareykanka ayaa ugu danbeyn carabka ku dhuftay in ay suura gal tahay in Mareykanka uu isaga baxo ururka ganacsiga aduunka hadii ay xal u keeni waayaan qilaafka ganacsi ee sii baahaya ee ka jira dunida.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5432 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: