Advertisements
Wararka

Ra’isul wasaaraha Britain oo balan qaaday in ay dhaqaale ugu yabooheyso Somalia…


Ra’isul wasaaraha Britain Theresa May ayaa balan qaaday in dowladeeda ay dhaqaale ugu yaboohesyso Soomaaliya.

Ms May ayaa sheegtay in 85 milyan oo Gini ay dowladeeda ku bixin doonto hormarinta shacabka ka soo kabsanaya abaaraha iyo sharciyada la xiriira hanaanka dowlada dalka.

Lacagtaan ayaa 60 milyan oo ka mid ah waxay sheegtay dowlada Uk in shaqo loogu abuurayo dhalinyarada si ay ugu faa’ideeyaan qoysaskooda.

waxaa sidoo kale loo adeegsan doonaa qodida ceel biyoodyo, isbitaalo lagu daweeyo dadka ku nool degaanada miyiga ah iyo xarumo waxbarasho.

Dhanka kale Ms May ayaa sheegtay in 25 milyan oo Gini ay ku bixi doonto hanaanka xasilinta siyaasada soomaaliya iyo sharciyada la xiriira qeyraadka dabiiciga ee uu dalka leeyahay oo marar badan is qabqabsi uu ka yimid.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5415 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: