Advertisements
Wararka

Ciidanka dowlada oo howlgalo ka wadaan degmada Afgooye iyo deegaanada ku dhow…


Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ay howlgallo ka wadaan degmadaasi iyo deegaano ku dhow.

Howlgalka xooggiisa ayay ciidanka waxay ka sameynayaam deegaanka Buulaleey oo ku dhow degmada Afgooye halkaasi oo gelinkii dambe ee shalay gaari ay saarnaayeen ciidamo milatari ah ay miino kula qaraxday.

Sidoo kale ciidamo milatari ah oo howlgalo ka sameeyay degmada Afgooye ayaa ku soo qabqabtay rag looga shakisan yahay inay ka mid yihiin ururka Alshabaab.

Taliyaha qeybta 12aad ee ciidamada Xoogga Dalka General Cumar Dheere ayaa sheegay in ay 12 ruux oo ka mid ah Alshabaab ay soo qabteen, sidoo kale keyd hub ah oo ay Alshabaab ku lahaayeen gudaha magaalada Afgooye ay gacanta ku soo dhigeen.

Raggan ayaa lagu eedeynayaa inay ka mid ahaayeen dagaalyahano weerar ku soo qaaday habeen hore degmada Afgooye.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5415 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: