Advertisements
Wararka

Dadka Sacuudiga ayaa aad ula yaabay dhacdo haweeney ku xadeyso gaari…


Video lagu faafiyey Internet-ka ayaa Shaaca ka qaaday qof dumar ah oo xadeysa gaari yaalay meelaha la dhigto baabuurta ee magaalada Dammam ee bariga Saudi Arabia, kadib markii uu ka tagey qofkii lahaa gaariga asaga oo aan xirin, wargeyska Times ee British ayaa ku sheegay dhacdadaasi mid ay la yaabeen Sacuudiyiinta.

Wargeyska ayaa tilmaamay in haweeneyda ay ka ag dhoweyd gaariga ay xadey, waxay bilaabday in ay hareeraha eegto kadibna iska furto gaariga oo ka kaxeysay halkii uu yaalay, wargeyska ayaa tilmaamay in sawirka haweeneyda ay qaaday kaamerada ku xiran wadooyinka ee joogtada ah.

Haweenka Sacuudiga ayaa helay xuquuq ay muddo dheer aad ugu halgamayeen, ugu dambeystii waxay heleen xuquuqdaasi, laakin haweeneyda gaariga xaday waxay wax ka bedeleysaa sawirka haweenka.

Chamber of Commerce ee Jeddah ayaa iclaamiyey mashruuc lagu shaqaaleysiinayo haween ka shaqeeya meelaha baaburta la dhigto ee makhaayadaha, waxay kaloo ku dareen 25% ee haweenka Sacuudiga oo ka weyn 18 jirka ayaa codsaday in ay helaan leysanka ama ruqsada gaariga lagu wado iyadoo 78% ay qorsheynayaan in ay iibsadaan gaari.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4797 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: