Advertisements
Wararka

Hogaamiyaha falaagada bariga Ukraine oo qarax lagu dilay magaalada Donetsk…


Hoggaamiyaha fallaagada ka hawlgasha bariga dalka Ukraine ee uu Ruushka taageero, Alexander Zakharchenko, ayaa lagu dilay qarax ka dhacay maqaaxi ku taal magaalada Donetsk.

Zakharchenko ayaa ku biiray fallaagada dalkaasi sanadkii 2014.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa dilka hoggaamiyahan ku tilmaamay mid laga xumaado, waxa uuna sheegay in looga golleeyahay in xasillooni darro laga abuuro gobolka.

Waxa uu dilka Alexander Zakharchenko ku eedeeyay dad uu sheegay in aysan dooneyn in xal nabadeed laga gaaro colaadda dalkaasi Ukraine.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa dilka hoggaamiyahani fallaagada ku eedeysay dowladda dalka Ukraine.

Balse laamaha ammaanka Ukraine ayaa dilkaasi u aaneeyay muran u dhaxeeya kooxaha falaagada dhexdooda isla markaana Ruushka uu ku lug leeyahay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4813 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: