Advertisements
Wararka

NISA oo sheegtay in xubinnimadii hay’adda sirdoonka laga saaray Gen. Cabdalla Cabdalla…


Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter –ka ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA ayaa lagu sheegay in xubinnimadii hay’adda sirdoonka laga saaray Gen Cabdalla Cabdalla oo horay u soo noqday taliye ku-xigeenka, hase ahaatee xilka looga qaaday wareegto uu soo saaray madaxweyne Farmaajo.

Ka saarista xubinnimadii hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa loo cuskaday kaddib wareysi uu dhawaan siiyay Warbaahinta, isaga oo eedeymo culus u jeediyay hay’adda NISA oo sida uu hadalka u dhigay laga weeciyay ujeeddooyinkii markii hore-ba loo aas-aasay.

Qoraalka ayaa lagu yiri’’ kadib guddi loo saaray qaladaadkii ku jiray wareysigiisa, waxaa ay isla garteen in uusan u qalmin ka sii mid ahaashaha hay’adda sirdoonka Qaranka.

Nisa Twitter

Dhawaan isku –shaandheyn uu madaxweyne Farmaajo ku sameeyay laamaha Amniga ayaa xilkii ku-xigeenka hay’adda nabad-sugida Qaranka waxaa looga qaaday Gen Cabdalla Cabdalla iyo Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, waxaana xilkan loo magacaabay agaasimihii hore ee madaxtooyada Fahad Yaasiin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5414 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: