Advertisements
Wararka

Diyaarado dagaal oo duqeyn u geystay saldhiga al-Shabaab ee degmada Bu’aalle…


Diyaarado dagaal ayaa waxa ay duqeyn ka geysteen saldhig Al shabaab ku leeyihiin degmada Bu’aalle ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka ka imanaya degmada Bu’aale oo ka mid ah xarumaha ururka Alshabaab ayaa sheegaya in duqeyntan ay geysatay qasaare xoog leh.

Dadka ku sugan degmada Bu’aale ayaa sheegaya in dad rayid ah ay ururka Alshabaab xabsiga dhigeen iyagoo loo haysto inay gacan siinayeen diyaaradaha duqeynta ka geystey degmadaas.

Hase yeeshee duqeyntan ayaan weli jirin cid sheegatay iyadoo dowlada Maraykanka ay weeraro cirka ah ciidamadeeda ka fuliyaan deegaano ka mid ah goobahaa ay Alshabaab maamulaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4815 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: