Advertisements
Wararka

Xiddiga Senegal Sadio Mane oo video ka soo muuqday asaga oo nadiifinaya musqusha Masjid…


Xiddiga Senegal Sadio Mane iyo ciyaaryahanka kooxda Liverpool ayaa ka soo muuqday clip video ah oo lagu faafiyey baraha bulshada, asaga oo nadiifinaya musqulaha iyo halka lagu weyso qaato masaajid ku yaalla Britain.

Sida laga arkay video-ga la faafiyey ayaa Mane ku nadiifinayey musqulaha masjidka al-Raxma ee magaalada Liverpool, asaga oo heystay tubada biyaha, waxaanna la socday qof kale iyo ilmo.

Fiidiyowga ayaa waxaa faafiyey sheekh Khalil Laher oo ka mid ah madaxda masjidka Liverpool.

Inkasta oo mid ka mid ah dadka ay isku dayeen in ay joojiyaan sawir qaadaha si ay u dhamaystiraan filimka, laakin xiddiga Senegal ma uusan diidin qaadida fiidiyaha.

Liverpool FC footballer Sadio Mane cleaning the mosque toilets and wudhu area. mA #humbling pic.twitter.com/eNIxZzSLTf

— Khalil Laher (@khalillaher) September 1, 2018

Video-ga ayaa soo jiitay tobanaan kun oo ka qaybgalayaasha baraha bulshada, kuwaas oo amaanay tawaaduca xiddiga reer Senegal iyo jaceylkiisa arrimaha kheyrka.

Mane ayaa lagu yaqaanaa jacaylka uu u qabo masaajidda, asaga oo marar badan ku dhowaaqay ka go’naanshihiisa ku socoshada diinta Islaamka, wuxuu ku deeqay dhismo Masjid dalka Senegal.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4813 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: