Advertisements
Wararka

Suxufiyeen u shaqeynayey Wakaalada Reuters oo xukun lagu riday dalka Myanmar…


Maxkamad ku taalla dalka Myanmar ayaa labo saxafi oo u shaqaynayay wakaaladda wararka ee Reuters ku xukuntay toddobo sano oo xabsi ah, iyaga oo loo haysto in ay meel uga dheceen sirta xukuumadda intii ay baaritaanka ku hayeen rabshadihii ka dhanka ahaa qawniyadd Rohingya ee Muslimiinta ah oo laga tiro badan yahay.

Wa Lone iyo Kyaw Soe ayaa la xiray sannadkii hore iyaga oo wata dukumantiyo rasmi ah oo ay booliis ka heleen.

Labadan saxafi ayaa xirnaa tan iyo bishii Disembar.

Dacwaddan ayaa si weyn loogu arkaa in ay tijaabo u tahay xoriyadda saxaafadda ee dalka Myanmar oo sidoo kale loo yaqaanno Burma.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5414 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: