Advertisements
Wararka

Xiddigii Reer Brazil Ronaldo ayaa iibsaday kooxda Real Valladolid ee Spain…


Weeraryahankii hore ee reer Brazil Ronaldo ayaa la wareegay Real Valladolid ka dib markii uu iibsaday saamiga 51% hantida kooxda ka tirsan La Liga-ha Spain. Maanta oo Isniin ah ayaa sidaasi lagu dhowaaqay.

Madaxwaynaha kooxda Valladolid Carlos Suarez ayaa yiri: “Maanta waa bilawga howshan. Ronaldo ayaa shakhsiyan iibsaday saamiga 51% kooxda Real Valladolid.”

“Isagu waa qof ku dayasha mudan oo jecel inuu faafiyo riyo.”

Ronaldo wuxuu u ciyaaray kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo Spain ka dhisan, isagoo sidoo kale labo jeer kula guuleystay Brazil Koobka Adduunka.

“Tani waxay tahay maalin muhiim ii ah aniga,” ayuu yiri. “Wax badan ayaan soo maray si aan ugu diyaar garoobo ciyaarta dhexdeeda iyo banaankeeda.

“Waxaad naga xisaabin kartaan inaan gaarsiino Real Valladolid qeybta ugu sareysa, islamarkaana aan dhisno riyooyinkeena.”

Valladolid ayaa hadda ku jirta kaalinta 16aad ee La Liga, ka dib markii labo barbar dhac iyo guul darro soo gaartay seddexdii kulan ee ugu horeysay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4797 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: