Advertisements
Wararka

Dowlada Iceland oo sharciga u diiday Mahad Abib oo dib ugu celisay Norway…


Mahad Abib Mahamud ayaa dib loogu soo celiyay dalka Norway kadib markii diidmo sharci ay siisay dowladda Iceland oo uu ku dhowaad sannad ka hor weydiistay magangalyo.

Muwaadinkan soomaaliyeed ayay dowladda Norway sharciga kala laabatay kadib 17 sano oo uu dalka Norway ku noolaa, waxaana sharci kala laabashadiisa loo cuskaday ka been sheegid dalka uu asal ahaan kasoo jeedo, iyadoona dowladda Norway ay ku andocooneyso in Mahad uu kasoo jeedo dalka Jabuuti.

Dhibane Mahad oo safar doon ah uga haajiray dalka Norway ayaa qorshihiisa waxa uu ahaa in uu galo dalka Canada, balse waxaa uu iska dhiibay dalka Iceland oo aan sidaa uga fogeyn Norway.

Mahad ayaa warbaahinta TV2 ee dalka Norway horay ugu sheegay in diidmada sharciga Iceland loogu cuskaday heshiiskii qoxootiga ee lagu gaaray magaalada Dublin kaas oo dhigaya in ruuxa magangalyo doonka ah uu xaq ku leeyahay dalka uu marka ugu horreysa iska dhiibo.

Waxa uu Mahad sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu dib ugu soo laabto dalka Norway, uuna iminka bilaabi doono raadsashada xuquuqdiisa sida sharciga iyo noloshiisa.

Mahad oo dalka Norway ku noolaa mudo 17 sano ah islamarkaana noloshiisa halkaasi ku dhistay ayaa waxaa nolosha ka bur-buriyay shakhsiyaad sida uu sheegay ka xumaaday hammigiisa ah u ololeynta midnimo soomaaliyeed kuwaas oo ka been abuurtay halka uu kasoo jeedo asal ahaan islamarkaana u sheegay dowladda Norway in uu u dhashay dalka Jabuuti.

15 bisha Oktobar ayuu u ballansan yahay maxkamad taas oo khuseysa dib ula soo laabashada sharcigiisa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4813 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: