Advertisements
Wararka

Shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo ka furmay magaalada Kismaayo…


Madaxda Maamul gobaleedyada dalka ayaa goor dhow waxaa uu shir uga furmay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose, iyadoo shirkana uu yahay mid aad xasaasi ah.

Waxaa ka qeyb galaya Hogaamiyaasha Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo hogaamiyaha martida loo yahay ee Jubbaland.

Qodobada ugu waaweyn ee shirkan looga hadkayo ayaa waxaa ka mid ah khilaafka ka dhexeeya dowlad goboleedyada qaarkood iyo dowlada dhexe ee ku saleysan fulin la’aanta dhinaca dowlada ee heshiisyadii horey loo wada gaaray.

Waxaa sidoo kale, shirkan looga hadli doonaa qodobo kale oo ay ka mid yihiin qeybsiga kheyraadka, dib u dhiska ciidanka, xaalada guud ee dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u kala gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa goob-joog ahaan uga qeyb galaya shirkan oo aysan jirin masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo ka qeyb galaya.

Waxaa haatan socda khudbadaha masuuliyiinta ka qeyb galaysa shirkan ee ka socda dowlad goboleedyada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4813 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: