Advertisements
Wararka

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka qofkii isku qarxiyey xarunta Howlwadaag…


Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca ninkii isku qarxiyay Xarunta Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen 6 Qof  iyo 14 kalena oo ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa ku sheegtay magaca ninka is qarxiyay C/Qaadir Cabdullahi Xaaji Maxamed, kaas oo ku dhashay deegaanka Daaru salaam ee hoostagga Magaalada Saakow ee Gobolka Jubbada dhexe.

Ninka isqarxiyay ayey Al-shabaab intaas ku dareen in uu ka dhashay Qabiilka Leysaan oo ka mid ah Digil iyo Mirifle.

C/Qaadir ayey Al-shabaab sheegeen in uu ku biiray sanadkii 2013-kii oo ku beegan 1434 Hijriyada,waxaana da’diisu ahayd 22 jir sida ay sheegtay Al-shabaab.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4813 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: