Advertisements
Wararka

Madaxweynaha Somalia oo lagu wado inuu socdaal ku tago magaalada Asmara…


Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta socdaalkiisii labaad uu ku tago magaalada Asmra ee dalka Eritrea.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dalka Eritrea Yemane G. Meskel‏ ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in magaalada Asmara uu socdaal ku imanayo madaxweynaha Soomaaliya oo sida uu sheegay ka qeybgali doona shir ay yeelanayaan madaxweyne Isaias Afwerki iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Lama oga ujeedada socdaalka madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo shirka saddex geesoodka waxa looga hadlayo, hase ahaatee safarkii kan ka horeeyay ee madaxweyne Farmaajo uu ku tagay Asmara waxaa siweyn uga hor yimid dowladda Jabuuti oo khilaaf dhinaca xudduuda ah uu kala dhaxeeyo Eritrea.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5414 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: