Advertisements
Wararka

Shacabka magaalada Garissa oo cabasho ka muujiyey warqada dhalashada oo la waayey…


Shacabka ku dhaqan magaalada Garissa ayaa cabasho ka muujiyay warqada dhalashada muwaadinka oo laga waayay xafiiska dhalashada magaalada Garissa.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in warqada dhalashada ay ka doonteen xafiiska balse qaar ka mid ah saraakiisha ay u sheegeen in ay dhamaatay warqadihii laga sameynayay.

Arintaan ayaa saameyn waxay ku yeelatay dad badan oo doonayay in danooyin badan ay uga xiran yihiin warqadaasi.

Xildhibaanka laga soo doortay bartamaha degmada Garissa ahna madaxa golaha aqlabiyada barlamaanka kenya Mr Aden Bare Ducaale ayaa loogu baaqay in uu wax ka qabato caqabada la soo gudboonaatay shacabka Garissa.
Shacabka gobolka waqooyi bari oo markii hore dhibaato ku qabay helida aqoonsiga muwaadinimo iyo baasaboorka kenya ayaa hadane arintaan waxay ku noqon kartaa caqabad kale.

Warqada dhalashada ayaa muhiim waxay u tahay is diiwaan galinta imtaxaanada iyo qaadashada aqoonsiga Kenya iyo ganacsiga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5415 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: