Advertisements
Wararka

Dowlada Norway oo ku dhowaaqday qaxooti Soomaali ah in ay dib u celineyso…


Dowladda Norway ayaa ku dhawaaqday in 1,600 oo qaxooti Soomaali ah ay dib ugu soo celineyso dalka, waxaana ay dowladdu sheegtay in Soomaaliya hadda ka xasilloon tahay sidii hore.

Waaxda socdaalka Dalka Norway ayaa sheegtay in kaararka qaxootinimo lagala noqnayo dadka Soomaalida ah,iyada oo Hay’ad u dhaq dhaqaaqda Qaxootiga oo taageersan Dowladda Norway ay arrintaas diidday.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha oo ay ka mid tahay (NOAS), ayaa diiday waxaana ay dowlada ku eedeeyeen in ay jabineyso xeerarka caalamiga ah.

Waxaa ay Hay’addan ku doodeysaa in Soomaaliya aysan wali amaan ahayn islamarkaana gaarin heer dib loogu celiyo muwaaddiniinta Qaxootiga ku ah dalka Norway.

Dowladda Norway ayaa iska dhegatirtay baaqa Hay’adaha u dooda xuquuqda dadka soo galootiga ah ee kaararka qaxootinimo ku heysta dalkaas.

André Møkkelgjerd, oo ka tirsan Hay’adda (NOAS) ayaa sheegay in go’aankan dowladda ay Maxkamad kula tiigsanayaan islamarkaana doonayaan in arrintan wax laga qabto.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4813 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: