Advertisements
Wararka

Madaxda Somalia, Itoobiya iyo Eritrea oo heshiis seddax geesood ku kala saxiixday Asmara…


Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Wada hadalo u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa xalay ka bilowday magaalada Asmara.

Heshiiskan ay kala saxiixdeen Madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa dhigaya inay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabaali lahaa xasillooni iyo horumar.

heshiisseddaxgeesood1

Lama oga heshiiskan saddex geesoodka ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea inuu daba socdo heshiis ay horay u wada gaareen Itoobiya, Eritrea iyo Imaaraadka Carabta

Isbedelada iyo loolanka siyaasadda juquraafi ee ka socda Gobolka ayaa weji cusub yeelatay xaalada, marka loo eego hardanka loogu jiro dalalka kulaala Badda Cas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5415 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: