Advertisements
Wararka

Warmurtiyeed si taxadar leh loo diyaariyey oo ka soo baxay shirkii wasiirada ee Jabuuti…


Gabagabadii kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jabuuti wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Eritrea, Itoobiya, iyo Soomaaliya, iyo dalka martida loo ahaa Jabuuti, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo dhigay hadallada ku qoran.

Warmurtiyeedka ayaa lagu yiri “booqashadan muhiimka ah waa natiijada dadaalka wadajirka ah ee dalalka gobolka, waxayna u taagan tahay qiimaha uu ku fadhiyo hindisaha lagu heshiisiinayo dalalka gobolka iyo sidoo kale tallaabo weyn oo loo qaaday adkaynta nabadda iyo deganaanshaha gobolka, ayadoo lagu taageerayo isdhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika”

Wasiirrada ayaa markii uu dhamaaday kulankii ay ku lahaayeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, waxay booqasho sharafeed ugu tageen madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5432 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: