Advertisements
Wararka

Wasiirada arrimaha dibada ee Somalia, Itoobiya iyo Eritrea oo gaaray dalka Jabuuti…


Wasiirada arrimaha dibada ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa gaaray dalka Jabuuti, kadib shir madaxeedkii maalintii shalay magaalada Asmara ku dhexmaray Madaxweynayaasha saddexda wadan.

Shirka ugu soo dhamaaday Asmara saddexda madaxweyne ayaa qodobadii ku jiray waxaa ka mid ahaa in wasiiradooda arrimaha dibedda ay u diraan Djibouti si nabad looga dhex dhaliyo labada dal ee deriska ah.

Wasiirradan ayaa markii ay tageen dalka Jabuuti waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Jabuuti.

Ma jiro wax war ah oo ay arrintan ka soo saartay wasaarradda arrimaha dibedda Jabuuti, hase ahaatee maalinta berri ah ayaa la filayaa in saddexda wasiirro arrimo dibeddeed iyo dowladda Jabuuti u bilowdaan wada hadallo.

Socdaalka ayaa qeyb ka ah dadaallo la doonayo in meesha looga saaro khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea iyadoo ugu danbeynti-na la filayo in uu dhaco shir ay yeeshaan madaxweynayaasha labada dowladdood.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5415 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: