Advertisements
Wararka

Diyaarad ay la socdeen mas’uuliyiin oo loo diiday in ay ku degto garoonka Jomo Kenyatta…


Dowladda Kenya ayaa is hortaagtay Talaadadii todobaadkan diyaarad ka anbabaxday magaalada Muqdisho in ay ku digto garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta.

Diyaaradan ayaa dadkii la socday waxaa ka mid ahaa wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow, dib ayeey-na markii danbe ugu soo noqotay magaalada Muqdisho, iyada oo ku degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo markii horeba ay ka duushay.

“Kabtanka diyaaradda ayaa u sheegay rakaabkii la socday in mas’uuliyiinta Kenya ay diideen in diyaraadu caga-dhigato sababo ay ku sheegeen dhinaca amniga iyo aysan ogolaasho heysan.

Dowladda Kenya aya horey u amartay in diyaaradaha ka yimaada dhinaca Soomaaliya ay qasab tahay in ay soo maraan garoonka diyaaradaha Wajeer si baaritaan loogu sameeyo, hase ahaatee arintaa waxaa horay heshiis uga gaaray madaxda labada dowladood oo isku afgartay in duullimaadka ka taga Muqdisho uu toos uga degi karo garoonka Jomo Kenyatta, iyada oo aan la sii marin Wajeer.

Wali ma jiro wax war ah oo ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay arinta ku saabsan diyaarada laga soo celiyay Nairobi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4797 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: