Advertisements
Wararka

Maamul goboleedyada oo laga codsaday xisaab celin lacagahii ay dowlada dhexe ka heleen…


Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maamul goboleedyada ku shirsan Kismaayo ka codsatay in ay keenaan xisaab-celin ku aaddan “isticmaalka lacagaha dowladda dhexe ay u gudbiso dowlad goboleedyada”.

Warqad todobaadkan ka soo baxday xafiiska wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya oo BBC ay heshay nuqul ka mid ah ayaa lagu sheegay in “la soo gaaray xisaab celin dhamaystiran oo daboolaysa isticmaalka lacagihii dowladda federaalku soo gaarsiisay muddadii u dhaxaysay 1 Janaayo ilaa 30 Juunyo loo diri lahaa wasaaradda maaliyadda.

Waxaa kaloo la weydiistay maamullada in ay keenaan xisaab celinta lacagihii 2017 ka soo gaaray 2017.

Shirka Kismaayo oo dibadda soo dhigay khilaafka u dhaxeeya xukuumadda iyo dowlad goboleedyada

Xisaabxir

Warqadda ka soo baxday xafiiska wasiirka waxaa lagu sheegay in xisaab celinta ay shuruud u tahay “barnaamijka deyn-cafiska ee dowladdu ay heshiiska kula gashay hay’adda IMF”.

Waxaa kale oo lagu xusay barnaamij shuruudiisa ay ka mid tahay in marka hore la helo xisaab celin “inta aan la soo gudbin lacagaha qaybahooda dambe”.

Arrintan ayaa dhirbaaxo ku noqonaysa madaxda maamul goboleedyada ee maalmahan ku shirsanaa magaalada Kismaayo, kuwaasoo qodobbada ay ku dhaliilayeen dowladda federaalka ay ugu weynayd qaybsiga lacagaha deynta iyo deeqda ah ee dowladdu hesho.

Waxaa kale oo aan la hubin sida ay suurtogal u noqonayso xisaabcelinta dowladda federaalka ay dalbatay in la keeno, iyo saamaynta ay yeelan doonto haddii aan la keenin, ama habkii la rabay aan loo marin.

Maamul goboleedyada ayaan weli ka hadlin dalabka xisaab celinta ee dowladda uga yimid.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5414 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: